Madaafiic lagu duqeeyay Muqdisho iyo Askari toogasho ku dlay Wiil watay Mooto Bajaaj

Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan shan qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur ayaa ku dhaawacmay saddex madfac oo maanta galabta ku dhacay xaafado ka tirsan degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir, iyadoo sidoo kalena uu askari minishiibiyo ah toogtay wiil ku shaqeysanayay mooto Bajaaj.

Madaafiicdan oo aan la ogeyn halka lala damacsanaa ayaa waxay ahaayeen hoobiyeyaal meelo fog-fog laga soo tuuray, waxaana loo maleynayaa in lagu weerarayay madaxtooyada Somalia oo ku taalla degmada Wardhiigley.

Dadka goobjoogayaal ah ayaa sheegay in madfac ka mid ah madaafiicdan uu kusoo dhacay laamiga waddada Geed-jacayl, kaasoo ahaa kii ugu khasaaraha badnaa, iyadoo goobta uu ku dhacay ku sugnaayeen shacab aad u fara badan.

“Geed-jacayl waxaa kusoo dhacay madfac hoobiye ah oo ka mid ah saddex madfac oo ku dhacay xaafado ka tirsan degmada Wardhiigley, tiro dad ah ayaana ku dhaawacmay,” ayuu yiri goobjooge ku sugnaa halkaas.

Isbitaalka Madiina ee Muqdisho ayaa la dhigay dhaawacyada dhowr qof oo ku dhaawacmay duqeyntan, inkastoo aan lasoo warin wax dhimasho ah oo ay dhaliyeen madaafiicdan.

Dhanka kale, Askari ka tirsan ciidamada Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ku toogtay maanta barqadii agagaarka isgoyska Sanca ee Degmada Yaaqshiid wiil mooto bajaajle ah, iyadoo la sheegay in askariga iyo wiilkan uu muran soo dhex-galay ka hor inta aanu dilka dhicin.

Goobta ayaa waxaa dibadbax ka dhigay dhallinyarada ku shaqeysna mooto Bajaajta, kuwaasoo sheegay in askariga iyo wiilka la dilay uu muran soo dhex-galay, kaasoo keenay in ug dambeyn uu askari dil u geysto wiilkan oo maydkiisa goor-dambe laga qaaday goobta.

Maamulka Degmada Yaaqshiid ayaa sheegay in askariga dilka geystay uu ka baxday goobta, balse ay ciidamada ammaanku ku daba-jiraan, waxaana tani ay qayb ka tahay dilal soo laalaabtay oo ay askarta dowladdu u geystaan wiilasha ku shaqeysta Bajaajta.

Ugu dambeyn, Hay’adaha Ammaanka Dowladda Somalia ayaan weli ka hadlin dilka uu geystay askariga ka tirsan minishiibiyada Xamar iyo dhwarka madfac ee maanta ku dhacay degmada Wargdhiigley.

PUNTLAND POST