Maanta oo Arbaco ah waxaa xarunta PDRC ee Garowe ka dhaceysa doorashada duqa caasimadda Garowe iyo ku xigeenkiisa, sida la shaaciyay shalay kadib dhaarintii Xildhibaanada golaha cusub ee degmada Garowe.
Doorashadan oo ka xamaasad yar tii ka horeysay ee dhacday 2015-kii waxaa ku tartamaya labo musharax oo u taagan qabashada duqa caasimadda, kuwaas oo kala ah Axmed Siciid Muuse iyo Axmed Abshir Jaamac, sidoo kale ma jirto cid wali isu soo taagtay ku xigeenka duqa.
Labada musharax mid walba waxa uu sheegay in uu wax ka qabanayo amniga magaalada iyo muranka dhulka oo ah labo arrimood oo Garowe ka taagan, waxayna khudbadooda rasmiga ah maanta ka hor jeedin doonaan golaha deegaanka cusub.
Waxa laga yaqaano labada Musharax
Axmed Siciid Muuse oo loo yaqaan (Axmed Barre), wuxuu ahaan jiray ganacsade, wuxuuna kamid ahaa asaasayaashii shirkadda korantada Garowe ee NECSOM, sanadkii 2005-kii ayuu markii ugu horeysay ku biiray saaxada siyaasadda, isagoo noqday Xildhibaan Puntland, 5 sano kadib mar kale ayaa dib loogu doortay sanadkii 2009-kii waxaana uu Xildhibaan Puntand ahaa 9 sano oo xiriir ah.
Axmed Barre hadda wuxuu madax ka yahay bangiga Iftin qeybtiisa Garowe, dhawaan ayuuna ku dhawaaqay musharaxnimadiisa duqa Garowe.
Axmed Abshir Jaamac oo loo yaqaan (Bakuuke) waa nin ku cusub saaxada siyaasadda, waana aqoon yahan dhalinyaro ah oo bare ka ah mid kamid ah jaamacada Puntland, dhawaan ayuu ku dhawaaqay in uu u taagan qabashada xilka duqa degmada Garowe.
Saadaasha doorashada duqa Garowe
Sida ay ogaatay PUNTLAND POST waxaa doorashada duqa Garowe ugu cadcad musharax Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) oo la sheegay in uu haysto inta badan codadka golaha deegaanka, inkasta oo wax walba ay isbadeli karaan.
Dadka sida gaarka ah ula socda doorashadan ayaa sidoo kale sheegay in ay u badan tahay in Axmed Barre ku guuleysan doono, maadaama aysan jirin musharaxiin badan oo codadka qeybsan kara.
Doorashan ayaan ogaanay in ay ku dhici doonto qaab gacan taag ah, oo ka duwan sidii hore oo ahayd qarsoosi.
Doorashadan ayaa lagu kala bixi doona wareega ugu horeeya, waxaana lagu kala guuleysan doonaa cod dheeri.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.