Ciidamo La Wareegay Amaanka Magalada Marka

Marka[Puntland Post]-Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxa Magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose la geeyey Ciidamo yar oo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya,kuwaas oo ka qeyb qaadan doona howlaha sugida Amniga.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegeen in ciidamadan hordhac u yihiin Ciidamo kale oo boolis ah kuwaas oo dhawaan Magalada Marka lageyn doono.

Qeybo ka mid ah Magalada Marka waxaa sidoo kale ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa guutada 14-ka October oo dhawaan degmadaas Al-Shabaab kala wareegay,kadib weerar ay ku qaadeen,waxana hoggaaminayey Abaanduulihii hore ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Janeraal Cabdullaahi Cali Caanood.

Magalada Marka oo ah Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa dhowr mar ka dhacay dagaalo wajiyo kala duwan leh sida,dagaal beeleedyo soo lab laabtay iyo mid dhexmaray Al-Shabaab iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post