Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa eedeyn culus u jeediyay dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Xaaf oo shalay ku laabtay Magaaladda Dhuuso-mareeb ee Caasimadda Galmudug,ayaa sheegay in aysan wax gargaar ah ka helin dowladda Soomaaliya, islamarkaana ka horistaagtay gargaarkii ay beesha caalamka ugu talagaleen Galmudug.
“Dowlada Federaalka aad iyo aad ayay noo gacan bidixeysay mucaawino kama hayno dhaqaale kama hayno aan isku tashano wax aan sugno beesha caalamka dowladaa dhexda u joogto, noomana gacan furno.”ayuu yiri Axmed Ducaale.
Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug ayaa ka hadlay waan-waantii laga dhex-waday isaga iyo garabka magaaladda Cadaado ee Madaxweyne ku-xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.
Waxa uu sheegay in heshiis la gaaray horaantii bishii hore ay wax iska bedeleen xilli uu ugu maqnaa safar dalka magaaladda Brussels ee xarunta dalka Belgium-ka.
“Runtii markii aan ka soo laabtay shirkii Belgium-ka waxa uu qorshuhu ahaa aniga iyo Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha baarlamaanka inaan Dhuusamareeb tagno laakiin wey suurtageli weysay,sababta ay u suurtagali weysay runtii waa waxyaabo iska jira laakin waa laga guuleysan doonaa “, ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.
PUNTLAND POST