Taliyaha qeybta Booliska Bari oo dhaliil u jeediyay maxkamadaha Bosaso

Bosaso-[Puntland Post] Taliyaha qeybta Booliska gobalka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen ayaa dhaliil u jeediyay maxkamadaha ku yaala magaalada Boosaaso.

Cabdixakiin Yuusuf Xuseen ayaa sheegay in danbiilayaasha ay soo qabtaan islamarkaan ay maxkmadaha geeyan aan la marin sharcigu waxa uu ka qabo xukun kooda, taa badalkeedana looga dhigo in magaalada lagu soo fasaxo.

”Maxkamadaha waxaanu geynaa danbiilayaal dawlada danbi ka galay, mana jirto sharci la mariyo maalinta danbana waxaanu ku argnaa danbiilihii oo suuqa maraya, waxaanu maxkamadaha ka codsanaynaa  in waxaanu u keeno ay sharciga mariyaan , hadii sharciga la marin waayo danbiilayaasha ayaa badanaya” sidaas wax yiri Taliyaha qeybta Booliska gobalka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen.

Cabdiqani Boos

Puntland Post- Bosaso