Ciidamada AMISOM oo ka Guuray Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium

Muqdisho (PP) ─ Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta isaga guuray garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho oo muddo toddoba sano ah u ahaa saldhig, waxaana maanta booqday garoonkaan dadweyne aad u fara badan.

Dadweynihii maanta booqday garoonka ayaa waxay ku dhawaaqayeen erayo ay ku muujinayaan inay ku faraxsan yihiin ka bixitaanka garoonka ee ciidanka AMISOM, iyagoo rajo ka muujiyay in garoonkaas dib loogu billaabo cayaaraha kubadda cagta iyo cayaaraha kale ee fudud.

Madaxweynaha Somalia Farmaajo ayaa shalay booqday, isagoo sheegay inay dowladda Somalia dadaal u geli doonto sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa garoonka, si uu mar kale u shaqeeyo.

Ciidamadii ugu dambeeyay ee AMISOM ayaa saakay ka baxay garoonkaas, markaasoo ay gudaha u galeen dadweyne fara badan, waxaana halkaas kula hadlya mas’uuliyiin kala duwan oo muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin inay ciidamadii AMISOM ka baxen garoonkaas.

Sidoo kale, Wasiiradda dhalilnyarada iyo cayaaraha Somalia, Khadiijo Maxamed Diiriye oo garoonka ka hadashay ayaa waxay sheegtay inay aad ugu faraxsan yihiin in garoonka uu kusoo wareego gacanta Dowladda Somalia, isla markaana dib u dhis lagu sameynayo.

“Xukuumadda Somalia waxay diyaar u tahay dayactirka garoonka, bilicdiisa iyo dhismahiisa, goor-dhow waa la hawl billaabayaa, kulligeen aad ayaanu ugu faraxsannahay, icidanka booliska Somalia ayaa la wareegaya si loo sugo amniga garoonka,” ayay yiri Khadiijo Diiriye.

Dhanka kale, Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium ayaa waxaa la dhisay sannadkii 1978-kii, waxaana dhistay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha, iyadoo garoonkan uu ahaa xilligaas midka ugu weyn Qaaradda Afrika oo dhan.

Balse, intii burburka lagu jiray ayaa waxaa waddamo ka mid ah Qaaradda waxay dhisteen garoomo ka waaweyn midka Somalia ee maanta ay sida rasmiga ah u banneeyeen ciidamada AMISOM. Iyadoo Garoonka uu haatan yahay midka shanaad ee ugu weyn Qaaradda Afrika oo dhan.

Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa waxay qayb ka noqonaysaa qorshayaan ay dowladda Somalia ku doonayso in ciidamada AMISOM ay uga baxaan gabi ahaan goobaha muhiimka ah ee Muqdisho, si ay u bixiyaan adeegyadii loogu qaban jiray shacabka Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST