Toogasho Ka Dhacday Florida oo lagu dilay 2 qof tiro kalena lagu dhaawacay

Booliska dalka Mareykanka waxaa ay shegeen in nin ka qeyb-galayay tartanka ciyaaraha Komputarka ee magaalada Jacksonville ee gobolka Florida uu toogtay labo qof, afar iyo toban kale uu dhaawacay.

Ninka looga shakiyay inuu weerarka geystay oo la rumeesanyahay isna inuu dhintay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay David Katz.

Toogashada ayaa ka dhacday dhismo caan ku ah madadaallada oo ku yaal jiinka webi mara bartamaha magaalada Jacksonville.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ninka weerarka geystay uu ka carooday qaabka ay u socotay ciyaar video ah oo computerka lagu dheelo.

Duqa magaalada Jacksonville, Lenny Curry, ayaa toogashada ka dib warbaahinta u sheegay in magaalada ay la murugooneyso toogashada dhacday.

Weerarro badan o noocaan ah ayaa sanadihii dambe ka dhacay gobolka Florida.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post