Kulan looga hadlay doorashooyinkii Soomaaliya oo lagu qabtay Nairobi

Nairobi (PP) ─ Dalladdaha bulshadda rayidka ee SOSCENSA iyo PUNSA oo kaashaneysa guddiga doorashooyinka Qaranka ee NIEC ayaa waxay ku qabteen Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya kulan ku saabsan soo bandhigidda casharaddii laga soo bartay doorashadii 2016/2017 ee Somalia ka dhacay.

Kulankan ayaa waxa ka qayb-galay qaar kamid xubno ka kala socda Wasaaradda arrimaha dastuuurka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Guddiyada Madax bannaan ee Dalka, Xubno ka socda Xafiiska Ra’isul Wasaaraha, Xafiiska Madaxweynaha iyo Qaar ka mid ah beesha caalamka gaar ahaan kuwa daneeyo arimaha Dalka.

Sidoo kale, Waxaa kulanka si rasmi ah u furay madaxa xafiiska ha’adda Saferworld Mudane Cali Hersi waxa uuna sheegay in Dalladdaha ay ka qabteen Doorashadii 2016/17 ee Dalka Soomaaliya waxyaabo wax ku ool ah, ayna dhalisay dalka in lagu qabtay doorasho xalaal ah oo u horseeday dalka horumar iyo dowlad wanaag.

PUNSA iyo SOSCENSA Waxay kusoo bandhigeyn kullanka waxyaabahii ka qabsoomay doorashooyinkii, warbixinno waxqabad iyo horumarkii ay ka sameeyeen dhanka wacgelinda dadweynaha, tababaradda korjoogayaasha doorashooyinka iyo wada shaqeynta guddiyadii doorashooyinka.

Dhanka kale, kasoo qeyb galayaasha ayaa waxa ay soo bandhigeyn aragtidooda, weydiimo iyo aragtiyo kala duwan oo ah dhanka doorashadii 2016/17 ee Dalka Soomaaliya iyo doorashadii 2020/21 ee Dalka Soomaaliya.

Ugu dambayn, Dalladdaha Bulshadda Rayidka ee SOSCENSA iyo PUNSA ayaa joogteyn doonna qabashada iyo ka qeyb-qaadashada hannaanka doorashooyinka ee Dalka.


PUNTLAND POST