Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa xabsi loo taxaabay, sida ay baahisay wakaalada wararka ee Itoobiya ee FANA.
Ciidamo ka tirsan Federaalka Itoobiya ayaa guri ku yaala meel u dhow Hotel Atlas ee maagalada Addis Ababa ka ka xeystay Cabdi Maxamuud Cumar oo muddo bil ah uu xabsi guri ku ahaa .
Xeer ilaalinta guud ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay in Cabdi Maxamuud Cumar loo heysto eedo la xiriira ku tagrifal awoodeed, isir iyo diin takoor iyo kicin qalalaase, waxayna intaas ku dartay in Booliska ay ku daba joogaan xubno maamulkiisii ka tirsan oo ku lugta lahaa eedaha loo heysto.
Sidoo kale Telefishinka ETV ee dalka Itoobiya ayaa baahiyay in Cabdi Maxamuud Cumar gurigiisa laga helay hub, ay kamid ahaayeen Shan qori oo nooca Ak47 ah iyo Afar baaskooladood.
Dhanka kale Madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Maxamad Cumar ayaa ka hadlay xariga maanta loo geystay Cabdi Maxamuud Cumar.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayuu ku sheegay inuu ka xun yahay in Madaxweyne la xiro, balse uu mudan yahay sidaas, maadaama dhibaatooyin xoogan uu geystay.
Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiy Ahmed oo shalay shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar tilaabo laga qaadi doono isaga iyo maamulkii la shaqeynayay.
Sidoo kale shalay Baarlamaanka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa xasaanadii ka xayuubiyay Cabdi Maxamuud Cumar iyo dhawr qof oo kale oo dambiyo loo heysto.
Cabdi Maxamuud Cumar ayaa noqonaya masuulkiii ugu sareeyay Itoobiya inta dambiyada loo heysto oo maxkamad la soo taago, lama oga waxa uu ka mudan doono.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.