Baarlamaanka Puntland oo meesha ka saaray mooshin ka dhan ahaa DP-World

Baarlamaanka Dawlada Puntland ayaa maanta buriyey mooshin maalmahan ka oolaa shirkadda la wareegtay maamulka dekadda Bosaaso ee DP World.

Mooshinkan oo ay soo gudbiyeen qaar kamida xildhibaanada baarlamaanka Puntland waxaa gabi ahaanba lagu dalbanaayey in meesha laga saaro heshiiska ay shirkadda DP World ku joogto dekadda magaalada Bosaaso, maadama ay shirkadaasi gabi ahaanba ku guuldaraysatay wax yaabihii heshiiska lagula galay oo ahaa inay ku balaariso mudo labba sano gudahood ah hase ahaatee aysan illaa hada wax shaqo ah ka qaban dekadda.

Baarlamaanka ayaa cod ku meel mariyey in mooshinka laga keenay DP World uusan ahayn mid saxa oo loo maray dariiqii mooshinada loo mari jirey.

Horay baarlamaanka Puntland ayaa cod aysan u kala harin ku ansixiyey heshiiska DP World iyo Puntland markii la sheegay inay laaluush u qaateen in ka badan labba milyan oo  doolar si ay u ansixiyaan heshiiskan.

Dadweynaha Puntland intooda badan kuma qanacsana heshiiska ay DP World ku joogto dekadda Bosaaso maadama aysan u muuqan shirkad daacad ka ah dhismaha iyo horumarinta dekadda.

PUNTLAND POST