Taliska Danbi Baarista Soomaliya oo u digay Ciidamada Booliiska

Muqdisho-[Puntland Post]-Dowladda Soomaaliya ayaa fariin digniin ah u dirtay ciidamada Booliiska ee dawladda Soomaliya ee caadeystay sida ay hadalka u dhigtay in ay dad-weynaha ka qaadaan lacago sharci darro ah.

Taliye ku-xigeen-ka hay’adda danbi-baarista Soomaliya Bashiir Nuur Geedi ayaa sheegay in ay jiraan askar caadeystay in hubka iyo muuqaalka ciidamada ay ku hantadaan bulshada iyaga oo ka qaadanaya lacago aan sharci aheyn.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii ay dowladdu sheegtay in xirtay 28 ruux oo isugu jira saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed oo lagu edyeye musuqmaasuq.

Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliiska Soomaaliyeed ayaa muddo dheer-ba loo jeedinayay eedeymo la xiriira in ay qaataan lacago aan sharci ku dhisneyn, kuwaa oo qaarkood qaadashada lacagaha noocaa ah u dilay qaar ka mid ah dhalinyarada ku shaqeysata gaadiidka dad-weynaha marka ay isku dayaan in ay ka biyo diidaan bixinta lacagaha baaddda ah.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post