DAAWO:Wax qabadka Waaxda Taya Dhowrka Badeecadaha & Raashinka soo gala Puntland

Madaxda Hay’adda Faya-dhawrka ee Badeecadaha iyo raashinka ee dawladda Puntland ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay mudadii ay xaafiiskan la asaasay, waxayna ka hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin dhibaatooyin ay ka badbaadiyeen Shacabka Soomaaliyeed.

Tayadhawrka Puntland ah ayaa mid loogu talo-galay Hubinta badeecadaha soo galaya gudaha dalka iyo kuwa ay sameeyaan warshadaha yar yar ee kuyaala gudaha mandiqada, iyadoo ay marar badan qabtaan Agabyo waqtigooda dhaafay ama ugu yaraan tayo ahaan liitay.

Agaasimaha Waaxda Faya-dhawrka ee Badeecadaha iyo raashinka ee dawladda Puntland Salaad Aadan Maxamuud ayaa sheegay in ay sii wadayaan dadaalka ay ku badbaadinayaan shacabka, wuxuuna ugu baaqay ganacsatadu in ay qeyb ka noqdaan dadaalada horumarineed.

Xoghayaha guud ee Hay’adda Tayadhawrka Badeecadaha Puntland Abdirahmaan Aadan Ibraahim oo ka hadlay waxyaabaha u qabsoomay ayaa sheegay in ay shaqo badan qabteen, isagoo sheegay in ay dadaalkooda kusii bixinayaan sidii ummadda looga badbaadin lahaa aafooyinka ku hareerysan cuntada dhacday iyo agabyada aan saxda aheyn.

Sawirro.
Puntlandpost.net