Wararka naga soo gaaraya Magaalada Toronto ee caasimada dalka Canada ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed.
Allaha u naxariistee muwaadinkaanayaa lagu dilay xaafada ay Soomaalida ku badantahay ee layiraahdo Weston and Lawrence.
Muwaadinkaan Soomaaliyeed ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Kaafi Bashiir Bahweyn oo da’diisa lagu sheegay 30-jir
Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in dilka Allaha u naxariistee Kaafi Bashiir ay ka dambeeyeen isla muwaadiniin kale oo Soomaaliyeed.
Kooxda dishay muwaadinka ayaa dilkiisa u adeegsaday Tooreey ay dhowr jeer ku dhufteen Marxuumka dhintay.
Ciidamada Booliska Canada ayaa goobtaasi soo gaaray oo baaritaano ka sameeyay iyo sidii ay u soo qaban lahaayeen dadka ka dambeeyay dilka muwaadinkaasi.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post