Madaxweynaha Puntland oo magacaabis iyo isku bedel masuuliyiin sameeyay

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegtooyin uu maanta soo saaray ku sameeyay isku bedel iyo magacaabis masuuliyiin ka tirsan hay’adaha Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa wareegtada kowaad isku bedelay Agaasimihii guud Wasaaradda Warfaafinta, Isgaariinta, Boostada, Hiddaha iyo dhaqanka iyo Guddoomiyihii ee Hay’adda Qandaraasyada Puntland.

Ibraahim Cumar Aadan oo horey u ahaa Guddoomiyihii hay’adda Qandaraasyada Puntland ayaa loo bedelay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Isgaariinta, Boostada, Hiddaha iyo dhaqanka Puntland, halka Mowliid Abokor Abkey oo horey u ahaa Agaasimihii Wasaaradaas loo bedelay Guddoomiayaha ee hay’adda Qandaraasyada Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa wareegtada labaad ku magacaabay Agaasime waaxeedyo ka tirsan Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland.

Maxamed Siciid Maxamed (Black)  ayaa loo magacaabay Agaasimahad Waaxda Qorsheynta iyo siyaasadda ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, halka Maxamed Cali Muuse loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Kalluumaysiga iyo Horumarinta ee Wasaaradaas, sidoo kale Daahir Faarax Xuseen ayaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda tababarada iyo Cilmi Baarista.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas  ayaa wareegtada saddexaad ku magacaabay La-taliyaha Hay’adda Jidadka Puntland (PHA) Cabdirisaaq Maxamed Xasan.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay wadey isku shaan-dheyn, magacaabis iyo xilka qaadis uu sameynayay masuulliyiin ka tirsan hay’adaha Puntland.

Hoos ka akhriso wareegtooyinka Madaxweyne Gaas

Wareegtada kowaad

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto uu xafiiskiisa kasoo saaray 20 August 2018 isku bedelay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Isgaariinta Boostada, Hiddaha Iyo Dhaqanka iyo Guddoomiayaha ee Hay’adda Qandaraasyada Dowladda Puntland.

Xeer Madaxweyne Lr. 109 August 20, 2018, kuna saabsan isku bedel Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Isgaariinta Boostada, Hiddaha Iyo Dhaqanka iyo Guddoomiayaha ee Hay’adda Qandaraasyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markay tixgeliyey: Aqoontooda iyo khibradooda shaqo

Waxuu Xeeriyey:

1. Waxaa Ibraahim Cumar Aadan loo bedelay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Isgaariinta Boostada, Hiddaha Iyo Dhaqanka Dowladda Puntland.

2. Waxaa Mowliid Abokor Abkey loo Bedelay Guddoomiyaha Hay’adda Qandaraasyada Dowladda Puntland

3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay madaxweynuhu.

Wareegtada labaad

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto uu xafiiskiisa kasoo saaray 23 August 2018 ku magacaabay Agaasime Waaxeedyo Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland.

Xeer Madaxweyne Lr. 110 August 23, 2018, kuna saabsan magacaabid Agaasime Waaxeedyo Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markay tixgeliyey: Aqoontooda iyo khibradooda shaqo

Waxuu Xeeriyey:

1. Waxaa Maxamed Siciid Maxamed (Black) loo magacaabay Agaasimahad Waaxda Qorsheynta iyo Siyaasadda ee Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland.

2. Waxaa Maxamed Cali Muuse loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Kalluumaysiga iyo Horumarinta ee Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland.

3. Waxaa Daahir Faarax Xuseen loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Tababarada iyo Cilmi Baarista ee Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland.

4. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay madaxweynuhu.

Wareegtada saddexaad

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto uu xafiiskiisa kasoo saaray 23 August 2018 ku magacaabay La-taliyaha Hay’adda Jidadka Dowladda Puntland ee (PHA).

Xeer Madaxweyne Lr. 112 August 23, 2018, kuna saabsan magacaabid La-taliye Hay’adda Jidadka Dowladda Puntland ee (PHA).

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markay tixgeliyey: Aqoontiisa iyo khibradiisa shaqo

Waxuu Xeeriyey:

1. Waxaa Cabdirisaaq Maxamed Xasan loo magacaabay la-taliyaha Hay’adda jidadka Dowadda Puntland ee (PHA).

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay madaxweynuhu.

 

PUNTLAND POST