Dhismaha Golaha deegaanka Degmad Bosaso oo uu abaabulkiisu socdo

Bosaso[Puntland Pos] Labo wareegto oo ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas taariikdu markay ahayd 31-1-2018 ayaa mid lagu kala diray Golihii deegaanka Degmada Boosaaso, halka mida kalana lagu magacaabay Gudoomiye iyo ku xigeenka ku meel gaar ah .

Kala dirada Golihii deegaanka Degmada Boosaaso ayaa loo cuskaday markii la sheegay inay hanan waayeen shaqadii loo igmaday kana bixi waayeen is-qabqabsi.

Boosaaso ayaa muddo dhowr bilood ah aan la hayn Gole deegaan, kadib markii Madaxweynaah Puntland kala diray, waxaana la dhaafay xiligii la dhisi lahaa Golaha deegana oo markii hore lagu sateeyey mudo 45 cisho ah .

Boosaaso ayaa waxa xiligan ka socda soo xilista Xildhibanada Golaha deegaanka, waxan jira Gudi dhawaan ay Wasaaradda Arimha Gudaha Puntland ay ku dhawaaqday kuwaas oo ka qeyb qadan doona diyaarinta Golaha deegaanka Boosaaso iyo Gudoomiyahooda.

Gudoomiyaha Gobalka Bari Yuusuf Maxamed Waceys dhado oo ka mid ahaa Gudiga loo xilsaaray diyaarinta doorshada Golaha deegaanka ayaa munasabdii cidul Adxa khudbadiisa uga hadlay arimo la xiriira doorashada Golaha deegana waxa uu si cad u sheegay in xildhibaan hore uu san kamid noqon doonini ku wa cusub .

Ka sakaw hadalka Gudoomiyaha gobalka Bari,  shacabka Boosaaso waxa ay sheegeen in ay Boosaaso u baahan tahaya xildhibaano u nugul shacbkood kana shaqeeya bilcida magaalada .

Boosaaso ayaa magaalo ganacsiga Puntland waxa ay leedahay dekada iyo ilo dhaqaale oo mihiim ah waxayna si weyn uga liidataa bilicda hormada wadooyin oo uu burbur ka muuqdo.

Ku dhawaad tiro shan jeer ah ayaa laka la diray xildhibaano kala duwan oo soo maray Boosaaso.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post- Bosaso