Baxsashada maxaabiista oo kusoo badanaysa xabsiga Garowe

Sida ay warbaahinta PUNTLAND POST u xaqiijiyeen illo lagu kalsoonaan karo tiro maxaabiisa ayaa ka baxsaday maalin kahor xabsiga dhexe ee magaalada Garowe oo ah xabsi weyn oo loo dhisay si casri ah.

Xabsigan oo ku yaal duleedka waqooyi ee magaalada Garowe waxaa ku xiran maxaabiis fara badan oo isugu jira Burcad badeed, gacan ku dhiiglayaal iyo dambiilayaal kale oo isugu jira kuwo maxkamadi xukuntay iyo kuwo weli xukun suge ah.

Maxaabiista ka baxsaday xabsiga dhexe ee magaalada Garowe waxaa ku jirey rag gacan ku-dhiiglayaal ah oo horay degaanada Puntland uga geystay falal dil ah, lamana oga sida ay uga baxsadeen xabsigan sida casriga ah u dhisan kuna yaala meel aad uga fog magaalada.

Mid kamida saraakiisha ciidanka Asluubta Puntland ayaa u sheegay PUNTLAND POST in wax yaabaha ugu waaweyn ee sababay baxsashada maxabiistan ay kamid tahay musuq-maasuq ka jira xabsiga ayna sabab u tahay xaquuqihii iyo mushaaraadkii ciidanka oo si aada dib u dhacay waayadan danbe.

Waa markii labaad oo sanadkan gudihiisa ay maxaabiisi ka baxsato xabsigan mana jirto talaabooyin dadweynaha lala wadaagey oo ay Dawladu qaaday si loo ilaaliyo tayada iyo kalsoonida ay dadweynuhu ku qabaan xabsiyada Puntland oo u muuqata mid hoos u dhacday.

PUNTLAND POST