Askari ka tirsan Ciidamada Jabuuti ee Qaybta ka ah AMISOM oo lagu dilay Qarax ka dhacay…

Jalalaqsi (PP) ─ Askari ka tirsan ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah hawl-galka AMISOM ee Somalia, ayaa ku geeriyooday Qarax miino oo maanta ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Qaraxan oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa lala eegtay gaadiid ay wateen ciidamada Jabuuti, waxaana qaraxan ku dhaawacmay laba askari oo kale oo ka tisranaa ciidamadii Jabuuti ee qaraxa lagu weeraray.

Sidoo kale, Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda Somalia ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid qorsheysan, loona soo qabqabatay dhawr qofood oo lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen weerarkan khasaaraha sababay.

Inkastoo aysan jirin cid sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarkan, ayaan waxaan sidoo kale ka hadlin ciidanka Jabuuti ee AMISOM ka tirsan iyo sidoo kale maamulka cushb ee degmada Jalalaqsi.

Jalalaqsi oo ka tisran gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka hawl-gala ciidammo ka tirsan kuwa ka socda Jabuuti ee qaybta ka ah AMISOM, iyadoo tani ay kusoo beegmaysaa iyadoo xaaladda gobolka Hiiraan uu u muuqday xilliyadii dambe mid soo hagaagaya.

Dhanka kale, Weerarkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo muran aan la xallin weli uu soo dhex-galay Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti, kaasoo ka dhashay hadallo uu madaxweyne Farmaajo ka sheegay magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea oo uu dhawaan booqday.

PUNTLAND POST