Gudoomiye Dhado oo ka hadlay wakhgtiga la dhisayo Golaha deegaanka Bosaso

Bosaso[Puntland Post] Gudoomiyaha Gobolka Bari Dr,Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo ayaa cadeeyey wakhtiga sida rasmiga ah loo dhisayo golaha deegaanka Degmada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari,.

Gudoomiye Dhado ayaa sidoo kale sheegay in la guda geli doono dhismaha Golaha deegaanka Boosaaso 28 bishan August 2018.

Yuusuf Maxamed Waceys Dhado waxa uu sheegay inay ka duwanaan doonaan kuwii hore ee soo maray gobolka Bari muddadii lasoo dhaafay,wuxuuna hadalkiisa sii raaciyey in Xildhibaano aqoon leh la keenayo oo laga gudbayo Xildhibaano bilaa aqoon ah oo Oday Watto sida uu hadalka u dhigay.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post- Bosaso