Sidee looga ciiday maanta Magaaladda Bosaso?

Bosaso[Puntland Post] Maanta ayaa waxaa siweyn looga Ciidayaa maalinta koowaad ee Ciidul Adxa,iyada oo shalay Ummadda Muslimiinta ah intooda badan ay ahaayeen kuwo Soomaanaa.

Bosaso ayaa ka mid ah meelaha sida weyn maanta looga ciidayo,iyadoona garoonka kubada Cagta ee Bosaso ay boqolal shacab ah ay kala qeyb galeen tukashada salaada ciida masuuliyiin ka tirtsan Puntland.

Shacabka Bosaso ayaa isugu hambalyeeynaya Maalinta koobaad ee Ciidul Adxaa,iyaga oo qaarkood guryaha isku booqanayaan.

Xaafadaha qaar ayaa waxaa lagu qalayaa Xoolo maadaama ciidan ay tahay Ciidul Adxaa dadka intooda badan ay dhigtaan Duco,lana cunayo Hilib iyo Xalwo intaba.

Sidoo kale Wadooyinka Waaweyn ee Bosaso ayaa waxaa lagu arkayay carruur yar yar iyo Waalidiintooda oo gacmaha isheysta si ay uga qeyb galaan maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post- Bosaso