RW Kheyre Oo Salaadda Ciidda Kula Tukaday Shacabka Muqdisho Masjidka Isbaheysiga

Muqdisho-[Puntland Post]-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa saaka Salaadda Ciidda kula tukaday kumannaan qof Masjidka Isbahaysiga ee Magaalada Muqdisho.

Mudane  Xasan Cali Khayre ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan midnimo, isu damqasho iyo is garab qabasho.

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciid ul-Adxa, una rajeeyay in ay sannadkaan sannadkiisa ku gaaraan nabad iyo barwaaqo.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post