Magaalada Qardho ee Xarunta Gobalka Karkaar oo si weyn looga ciiday maanta

Qardho[Puntland Post]-Magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar ayaa si weyn looga oogay munaasabada ciidul Adxaa, oo ah maalin ku weyn Umadda muslimiinta aha .

Goobaha salaada lagu tukadaya ayaa waxa ka mid ahaa jaamacada bariga afrika hoolka beenyada iyo garoonka boobe stadium ee magaalada Qardho.

waxana shacabka qardho tukashada salaada kala qeyb galaya Maamulka gobalka Karkaar ,kan Degmada Qardho  Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo Masuuliyiin kale waxana dhamaantood ay ku dheeraden ah miyada ay lee yihiin malamahan barakaysan iyo sida looga faa,idaysan karo.

Gudoomiyaha Gobolka Karkaar iyo Duqa Degmada Qardho waxay dhankooda bulshada Qardho uga mahadceliyeen sida ay ula shaqeeyaan dawlada, sidoo kale waxay bulshada kula dardaarmeen in dawlada lagala shaqeeyo amniga iyo horumarinta gobalka gaar ahan degmada Qardho.

Boqor Burhaan Boqor Muuse waxa uu shacabka Islaamka gaar ahaan kuwa  soomaaliyeed ugu hambalayeey munaasabada Ciida, sidoo kale waxa uu rabi uga baryay in uu ku amaansado meel kasta oo ay ka joogaan dunida islamka.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post