Xilliga uu billaabanayo Kalfadhiga Afaraad ee Baarlamanka Soomaaliya oo la Shaaciyay

Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Somalia, Mxamed Mursal Shiikh C/raxmaan ayaa maanta shaaciyay xilliga uu furmi doono kal-fadhiga afaraad ee Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia oo dhawaanahan fasax ku jiray.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Mursal ayaa lagu sheegay in kalfadhiga afaraad ee Golaha shacabka uu Furmi doono 10-ka bisha September ee foolka nagu soo haysa, iyadoo baarlamaanka ay horyaallaan hidise-sharciyeedyo muhiim ah.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia ayaa xlidhibaannada dalka dibaddiisa ku maqan ku wargeliyay inay ugu dambeyn 05-ta September ay dib dalka ugu soo laabtaan, si ay uga qaybqaataan furitaanka kafadlhiga 4-aad ee baarlamaanka federaalka.

“Furitaanka kal-fadhiga afaraad ee baarlmaanka waxaa loo Qorsheeyay in la furo 10-ka September 2018-ka, sidaa awgeed waxaa xildhibaanada oo dhan laga codsanayaa inay dalka soo galaan ugu dambeyn 05-ta bisha soo socota, diyaarna u noqdaan xil-gudashadooda,” ayaa lagu yiri qoraalka uu Mursal soo saaray.

Ugu dambyen, Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa weli waxay ku jireen fasax saddex bilood ah oo bishan ku eg, iyadoo intii ay fasaxa ku jireen ay dhaceen isbedello badan oo dhanka maamulka dowladda ah, taas oo la doonayo inay meel-mariyaan.

Haddaba, Halkan ka AKHRISO Qoraalka kasoo baxay Gudoomiye Mursal; 

PUNTLAND POST