Wasaaradda Deegaanka Puntland oo qarka u saaran in laga xoogo mashaariic muhiim ah

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilladda Puntland ayaa 18 Augsto 2018 u gudbisay Gollaha Baarlamanka gal dacwadeed ka dhan ah Hay,adda biyaha iyo Tamarta ee PSAWEN ka dib markey sheegtay inay si sharci daro ah faraha ula soo gashay mashaariicda iyo hawlaha ay u xilsaaran tahay Wasaaraddu.

Waxaa lagu xusay qoraal madaxda Wasaaraddu u gudbisay Baarlamanka mudadii ay jirtey Hay,adda PSAWEN inaysan habayaraatee wax door ah iyo kaalin ka geysan arrimaha la xiriira hakinta,leexinta iyo ka faa,iideysiga biyaha roobka oo sanad kasta in ka badan labaatan trillion mitir kuyuubic ay ku dhamaadaan badda Islamarkaana qulqulka ay samaynayaan dhibaato u geysan jiray dhirta iyo ciida nafaqada leh ka dib markey dhulka u keeneen nabaad guur tiro badan.

Warbaahinta PUNTLAND POST oo samaysay baaritaan kooban ka dib markii uu soo shaac baxay maalmo ka hor khilaaf cusub oo u dhaxeeya Wasaaradda Deegaanka iyo Hay,adda Biyaha Puntland PSAWEN waxaa lagu ogaadey baaritaanka xogo la xidhiidha in loo weeciyay dhinaca arrimaha bulshada Gaar ahaan ka faa,iideysiga daadka roobka iyo ka hortaga nabaad guurka deeqda mashruuc balaaran oo horey qorshuhu u ahaa inay uga faa,iideysato Puntland dayactirka jidka laamiga burbursan ee isku xira magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo.

Mashruucaan oo markii la shaaciyay sanado badan laga joogo, kana mid ahaa mashaariicdii Xukuumadda Cabdiweli Gaas ka dhaxashay Madaxweynihii horre ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, ma jirto natiijo laga gaarey hadafkii loogu deeqay asalkiisii horre oo ahaa dhismaha wadada Gaalkacyo iyo Garoowe, waxaana hakad galiyay fulintiisa eedeymo soo noqnoqday oo la xidhiidha musuq maasuq iyo hanaankiisa oo ay hareeyeen caqabado iyo dhaliilo sababay mudadii loogu talagalay mashruuca inaan looga faa,iideysan.

Akhri Dacwadda Wasaaradda Deegaanka

Hay,adda GIZ oo laga leeyahay dalka Jarmalka oo kaalin weyn ka ah dalalkii bixiyay deeqda mashruuca ayaa wararku sheegayaan inay mar kale isu diyaarinayso fursad ay boorka uga jafeyso sidii mashruucaas loogu weecin lahaa dhinaca arrimaha bulshada gaar ahaan ka faa,iideysiga biyaha roobka iyo ka hortaga nabaadguurka deegaanka.

Sarkaal ka tirsan GIZ iyo Wasiiro PL

Xogta PUNTLAND POST ku heshay baaritaanka waxay tilmaamaysa talaabaddan dib usoo nooleynta mashruuca inay ka dambeysay ka dib markey ku qanceen madaxda hay,addu,talo bixin dhexmartey hay,addaha UN-ka iyo nidaam xisaabeedka iyo daahfurnaanta ka jirta Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilladda Puntand.

Hadafka mashruucani xambaarsan yahay oo ku qotomo siduu ula hawlgali lahaa wasaarad ama xafiis ka hufan musuq maasuq iyo wax isdaba marin, ayaa si looga miro dhaliyo amase loo gaaro ujeedada la xidhiidha in Puntland lagu tijaabiyo mashaariic waaweyn si la mid ah maamulka Somaliland,waxay tani ka dhigan tahay fursad markii 2aad muddo yar oo kooban gudaheed soo garaacda albaabka.

Dacwada Wasaaradda Deegaanka Puntland maalmo ka hor ay u gudbisay Baarlamanka Puntland oo xilligaan ku guddo jira kalfadhigoodii u dambeeyay ayaa iyana xambaarsan fariin cabsi leh oo tilmaamaysa jiritaanka weerar durba uga yimid gudaha dowladda hirgalinta iyo ka miro dhalinta mashruucaas, waxaana lagu xusay qoraalka Wasaaradda hawlihii loo igmadey inay weerar qaawan kusoo qaaday Hay,adda PSAWEN oo haatan ka dhursugaysa fulinta shaqooyin aan horey loogu baran, sida dhisida dhaamamka ka faa,iideysiga biyaha roobka, kuwaas oo sida la ogyahay 7-kii sano ee lasoo dhaafey waxqabad la taaban karo ay ka samaysay Wasaaradda Deegaanka Puntland oo la asaasay sanadkii 2009-kii.

Sidoo kale intii uu socdey Baaritaanka PUNTLAND POST waxaa lagu helay nuqul qoraaleedyo kasoo baxay sanadihii 2013 iyo 2017 xafiiska Madaxweynihii horre Puntland Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed (FAROOLE) iyo Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo lagu wargaliyay hay,addaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya arrimaha deegaanka gaar ahaan mashaariicda quseysa ka faa,iideysiga biyaha roobka,biyo xireenadda,ka hortaga nabaad guurka,ilaalinta duurjoogta IWM inay kala shaqeyn karaan oo kaliya Wasaaradda Deegaanka Puntland.

Dhinaca kale waxaa jira warar hoose oo sheegaya isbedel mowqifeed oo burinaya digreetadii kal horre  Madaxweyne Cabdiweli Gaas  uu ku taageeray masuuliyadda shaqada Wasaaradda Deegaanka,ka dib markey gollihiisa xukuumaddu ku dhaqaaqeen todobaadkii lasoo dhaafey talaabo loogu ansixiyay Hay,adda PSAWEN inay wakiil uga noqonayso mashaariicda usoo socota Arrimaha Deegaanka iyo Isbedelka Cimilladda.

Horey uma jirin door ama kaalin ay ku lahayd PSAWEN hawlahaan ku taxaluuqa faa,iideysiga biyaha roobka iyo dhismaha biyo xireenadda laga soo bilaabo tan markii la asaasay 17 sano ka hor  ilaa 2018,Iyadoona inta badan hawsheedu ahaan jidhey qandaraasyadda lku saabsan qodida ceelasha dhaadheer ee Riigaga.

Qaar ka mid ah dadka la socda khilaafkan, waxay ku fasireen walaaca Wasaaradda Deegaanku qabto mid u gogol xaaraya sidii dhabaha looga leexin lahaa mashaariic waaweyn oo ka taabagashay dalka, waxayna ku sifeeyeen hanaankii uu ku bilowday Asaaskii wakaaladda biyaha,tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah ee Puntland inuu ahaa.

“Hay,addaan waxaa la asaasay sanadkii 2000,waxayna la midowday dhaxalkii hantidii qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan mashruucii xooga korontada ee la oran jirey EENEEYE oo ka shaqo bilaabay degmooyinka Bosaso iyo Qardho dabayaaqadii 1980-kii, waxaana Maareeye looga dhigay  A.U.N Abshir Muuse” Ayuu yiri Injineer Mowliid Khaliif oo ah khabiir horey uga soo shaqeeyay dhismaha mashaariicda dhaamamka iyo biyo xireenada laga sameeyay deegaano badan oo ka tirsan Gobolladda Puntland.

Balse sida ku cad nidaamka shaqada PSAWEN waxaa la asaasay sanadkii 2001, waxayna golloyaasha dowladdu meelmariyeen shuruucda iyo siyaasada ay ku shaqeyso sanadkii 2007,Iyadoona lagu qeexay ujeedada ama hadafka loo abuurey horumarinta biyaha iyo korontada oo dhamaan gacanta ugu jirta shirkaddo gaar loo leeyahay oo ka madax banaan dowladda , mana cada ilaa iyo hadda inay guulo ka gaadhey hawlihii loo igmadey iyo in kale.

Mareeyihii horre ee mashruucii Eeneeye Marxuum Abshir Muuse ayaa fursad u helay mar kale inuu madax ka noqdo markii la bilaabay PSAWEN, wallow muddo dheer ka dib uu digreeto ku bedelay Madaxweynihii horre ee Puntland Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole, balse laguma guulaysan buuq badan oo ka dhashay bedelka A.U.N Abshir Muuse inuu kala lug baxo PSAWEN oo uu hadda madax ka yahay wiil uu dhalay marxuumku.

Inta badan shacabka iyo Warbaahinta si daahfurnaan ah looguma soo gudbiyo qaababka ay isu bedelaan Madaxda sarre ee Xafiiska PSAWEN, waxaana jira shaki weyn oo ku xeeran mudadii dheerayd oo Marxuum Abshir Muuse madaxda ka ahaa xafiiskaas iyo sida wiilkiisu ku yimid shaqada oo aan faahfaahin laga hayn.

PUNTLAND POST