Musharax Siciid Deni oo laga taageeray Qardho

Qardho [Puntland Post]-Dhallinyarada gobolka Karkaar gaar ahaan degmada Qardho ayaa munaasabad ay ku taageerayeen musharax Siciid Cabdullaahi Deni ku qabtay magaalada Qardho, waxaana xafladdaasi ka qayb galay qayabaha kala duwan ee dhallinyarada gobolkaas.

Kalmado kala duwan oo munaasabadda laga soo jeediyay ayaa lagu tilmaamay taariikhda Siciid Deni iyo tallaabooyinkii uu qaaday xilliyadii uu kamid ah bahda tacliinta Puntland iyo bahda ganacsiga, waxaa sidoo kale la ceddeeyay inuu masuuliyado kala duwan kasoo qabtay DFS.

Dhallinyarada munaasabada soo agaasimay ee gobolka Karkaar waxaa ay sheegeen inay diyaar u yihiin garab istaaga iyo la shaqaynta Musharaxa Siciid Deni, iyagoo tilmaamay inay ku raja weyn yihiin inuu guulo la taaban karo kasoo hooyo doorashada Madaxtinimo ee Puntland 08 Jan, 2019.

Cabdiqani Boos 

Puntland PostÂ