Maxaa ka soo baxay kulankii Farmaajo iyo Ordugan?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib booqasho rasmi ah uu ku tagay dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa la kulmay dhiggiisa dalkaas Mudane Rajib Dayib Ordogan, iyagoona ka wada hadlay xiriirka saaxiibtinimo ee u dhexeeya labada dal iyo sida loo horumarin lahaa iskaashiga ku aaddan dhammaan dhinacyada horumarka.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugnaa dalka Turkiga waxaa lagu maamuusay in uu ka qeyb-galo Shirka 6-aad ee Xisbiga talada haya dalka Turkiga (AKP).

Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah hoggaanka xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka (AKP) iyo hoggaamiyeyaasha caalamka ee lagu marti qaaday shirweynaha xisibigan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Madaxda uu la kulmay, guulaha la taaban karo ee Soomaaliya ay ku tallaabsatay muddadii la soo dhaafay iyo dadaallada haatan socda ee ku qotoma dib-u-kabashada dalka.

Dhankooda, Madaxa dalalka uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa soo dhaweeyey hor-u-socodka ay samaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoona bogaadiyey xiriirka iyo iskaashiga dhow ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Federaalka Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdi Cashuur Xasan, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdulqaadir Axmed-Kheyr Cabdi iyo Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa.

PUNTLAND POST