Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Muqdisho [Puntland Post]-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay, kadib safar dhowr maalmood qaatay oo uu dalka kaga maqnaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safarkiisa waxa uu ku tagay wadamada Jabuuti iyo Turkiga, waxa uuna la kulmay madaxda ugu sareysa dowladahaa, oo ay kawada hadleen arrimaha ka dhaxeeya.

Wadada isku xirta madaxtooyada ilaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa la xiray, xilligiii uu madaxweynuhu uu soo gaarayay caasimadda.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post