Hawlgalo saaka ka socda magaalada Marka ee gobolka Shabeelada Hoose

Marka-[Puntland Post] Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa shalay la wareegeen ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya oo markii hore inta badan ay gacanta ku hayeen Al-shabaab.

Ciidamada ka tirsan dawladda Soomaliya ee la wareegay Marka waxaa hoggaaminaya Abaanduulihii xilka laga qaaday ee Ciiddanka xoogga dalka Janeraal Cabdullaahi Cali Caanood, waxana haatan la qorsheynayaa isbedelo dhinac walba ah oo laga sameeyo degmadaas.

Guddoomiyaha degmada Marka ee maamulka Koonfur Galbeed Cumar Macalin oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Al-shabaab inta badan kala wareegeen xaafadaha Magalada Marka,i sla markaana aysan jirin ilaa iyo hadda goobo ay ka taliyaan.

Waxa uu sheegay in maamulku uusan aqbaleyn in maalin walba lagu dul dagaalamo shacabka dushiisa, isla markaana isbedel dhanka maamulka ah ay sameyn doonaan si amniga magaalada uu u noqdo mid hagaaga.

Waararkii ugu dambeyey ay helayso Warbaahinta Puntland Post ayaa sheegaya in ay saaka dagan tahaya xaalada magaaladu waxana jira hawlagalo ay ciidamada dawaldu ay ka wadan xafadaha magaalada Marka.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post