Gudoomiyaha Maxkamada sare oo shaqadii ka joojiyay garsoorayaal Maxkamadeed

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Garaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa shaqo joojin ku sameeyay kaaliyeyaal  ka tirsan Maxkamadaha Dalka.

Garyaqaan Baashe Gudoomiyaha Maxkmada sare dalka ayaa shaqada ka joojiyay Garsooyaal gaaraya ilaa 9 xubnood oo ka hawlgala maxkamadaha darajada 1-aad iyo 2-aad.

“Laga bilaabo maanta waxaa shaqadii ka joojiyay kaaliyeyaashan inta laga sameynayo baaritaan dhammeystiran,” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in sababta xilka looga qaaday garsoorashaasi ay yihiin cabasho katimid shacabka iyo dacwado ay soo gudbiyeen.

” Markaan arkay cabashada joogtada ah ee ka taagan Kaaliyeyaashan,markaan arkay kuna qancay soo jeedinta Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir,markaan arkay kuna qancay in danta cadaaladda ay ku jirto in shaqada laga joojiyo kaaliyeyaashan”. ayuu markale yiri Gudoomiyaha Maxkmada Sare.

Dowlada Soomaaliya ayaa baryihii ugu dambeeysay waxa ay waday dar dar xoogan oo looga soo horjeedo musuq maasuqa iyo wax isdamarin ka dhexjirta laamaha kala duwan ee Dowlada.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho