Gariiga oo ka soo kabtay dhibaatadii dhaqaale ee mudada dheer haysatay

Midowga Yurub ayaa xaqiijiyay in dalka Giriigga uu ku guulaystay in uu ka soo baxo barnaamijkii samatabixinta dhaqaalaha oo socday muddo saddex sano ah si uu dalkaasi uga soo kabto dhibaatadii dhanka deymaha ee haysatay.

Mashruuca lacagaha uu Midowga Yurub ugu talagalay xasilinta dhaqaalaha dalalka isticmaala lacagta Yuuro ayaa waxa uu samatabixinta dhaqaalaha Giriigga u qoondeeyeen 61.9 bilyan oo Yuuro oo dowladda dalkaasi looga taageerayay dhaqaalaha dalkeed uu u soo kaban lahaa.

Tan iyo markii dhibaatooyinka dhaqaale ay ku habsadeen Giriiga sanadkii 2010, Giriiga ayaa waxaa soo gaaray samatabixintii ugu weyneyd ee dhaqaalaha taariikhda, balse xuriyada maamul ee dhaqaalahiisa gaarka ayaa yareyn doonto kormeerida adag ee gudiga Yurub.

Si dalalkaasi u xaqiijiyaan in Athens aysan ka bixin heshiisyadii ay isku afgarteen dalalka lacagaha amaahiyay, si ugu dambeyntii Giriigu u bixiyo amaahdaasi.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post