Xildhibaan ka tirsan BFS oo is casilay

Xildhibaan C/qaadir Gaafoow Maxamuud oo kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa iska casilay xubunimadii Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdiqaadir Gaafoow  oo laga soo doorto deegaanada Galmudug ayaa is casilaadiisa waxaa shaaciyay Guddiga doorashooyinka qaranka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil Ibrahim (Yarey) oo shir jaraaid ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in Cabdiqaadir Gaafoow uu iska casilay jagadii Baarlamaanka.

XaliimoYarey ayaa sheegtay in ilaa 3 kursi ay ka banaanyihiin Baarlamaanka Soomaaliya doorashoodana dhowaan la qaban doono.

Kuraastaan 3-da ah ayaa waxaa baneeyay Agaasimaha NISA Xuseen Cusmaan , iyo Cabduqaadir Gaafow oo is casilay iyo Allaha u naxariistee  Ex, Xildhibaan Khaliif Cabdullahi.

Kursigaan uu baneeyay Xildhibaan Cabdiqaadir Gaafoow ayaa horay muran badan dhaliyay iyada oo doorashada Xildhibaanka ay ka dhacday Cadaado hayeeshee markale dib loogu ciliyay Muqdisho markalena uu ku guuleystay.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho