Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda Soomaaliya oo musuq laga baarayo

Hant-dhowraha guud ee Qaranka Soomaaliya,Maxamed Maxamuud Cali(Afgooye) oo maanta warbixin siiyay guddiga maaliyadda ee Golaha shacabk ayaa sheegay  in xafiiskiisu baaris adag ku hayo qaar kamid ah hay’adaha dowladda Soomaaliya oo musuq looga shakisanyahay.

Hanti-dhowraha ayaa guddiga maaliyadda Golaha shacabka u sheegay in mas’uuliyiin ka tirsanaa hay’adaha dowladda Soomaaliya ay hadda u xiran yihiin arrimo musuq maasuq oo ay baaris ku socoto,islamarkaana uu xafiiskiisu ku daba jiro mas’uuliyiin kale oo lagu tuhmayo wax is-daba marin iyo musuq.

Xafiiskeyga howlo muhiim ah ayuu wadaa, sida aad la socotaan waxa hada xiran oo baaris ay ku socotaa masuuliyiin ka tirsan hay’addaha Dowladda oo arrimo Musu maasuq lagu soo eedeeyay, kuwa kalena wa ku daba jirnaa”. ayuu yiri Afgooye.

Sidoo kale wuxuu ballan qaaday in isla-xisaabtanka iyo barista lagu samaynayo hay’adaha kala duwan ee dowladda uu gaari doono xafiisyada ugu sarreeya dalka,sida xafiiska madaxweynaha iyo kan ra’iisul wasaaraha,si looga hortago in musuq maasuq dhaco.

Sidoo kale waxa idiin balan qaaadaya in isla xisaabtanka aan wado inan gaarsiinayo xafiisyada sare ee dowladda sida xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha, hada waxa socdo baaris kale oo aan ku wadno hay’addo ka tirsan dowladda” ayuu raaciyay.

Dhinaca kale Hanti-dhowraha Qaranka,Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka ka codsaday in ay kala shaqeeyaan meel marinta sharciga Hanta dhowrka oo Golaha wasiirada ay ansixiyeen.

Hadalka Hanti-dhowraha ayaa ku soo beegmaya xilliay dowladda Soomaaliya sheegtay in ay dardar-gelinayso, la-dagaallanka musuq maasuqa,ayna kor u qaadayso isla-xisaabtanka iyo daag-furnaanta hay’adaha dowladda.

PUNTLAND POST