Cabdiwali Gaas oo shir u iclaamiyay golaha iskaashiga dowlad goboleedyada

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ah Guddoomiyaha golaha iskaashiga dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa shaaciyay shir ay yeelan doonaan golahaas.

War qoraal ah oo ka ka soo baxay Guddoomiyaha golaha iskaashiga dowlad goboleedyada Soomaaliya Cabdiwali Gaas ayaa lagu sheegay in 03/09/2018 shirka 3-aad ee golahaas lagu qaban doono magaalada Kismaayo ee xarunt KMG maamulka Jubbaland.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in shirkaas looga tashan doono danaha dowlad goboleedyada iyo guud ahaan kuwa qaranka Soomaaliya.

Warar hoose oo aan helnay ayaa ku ogaanay in shirkaas looga hadli doono arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka madaxtinimo ee dowlad goboleedyada oo inta badan dhici doona sanadka soo socda ee 2019.

Sidoo kale ilo wareedyo lagu kalsoonaan kara ayaa PUNTLAND POST u sheegay in golahaasi ay doonayaan in doorashada madaxtinimada dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada isku ma la qabto.

Waa shirkii labaad oo golaha iskaashiga dowlada goboleedyada dalka ay ku qabsataan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland.

PUNTLAND POST