Duqa Muqdisho oo Casho sharaf u sameeyay Wafdigii Eritrea

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho ayaa xalay Muqdisho Casharaf ugu sameeyay Wafdigii Dowlada Eritrea.

Casho sharaftaan ayaa waxa ay ka dhacday xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee Muqdisho waxaana loogu sameeyay wafdi uu hogaaminayo wasiirka Arimaha Dibada Eritrea Cismaan.

Xafdladaasi waxaa ka soo qeeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan  Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Maxamed Guuleed, Wasiiro Gudoomiyaal iyo xubno kale.

Gudoomiye Yariisoow oo Goobta ka hadlay ayaa sheegay in Muqdisho ay caan ku tahay soo dhoweeynta Madaxda ka socoto Wadamada Caalamka.

“Magaalada Muqdisho waxa ay astaan u tahay dawladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaiyeed. Dhammaanteen waxaan xasuusannahay sida ay ugu soo hiran jireen Madaxda Afrika iyo guud ahaan caalamka, maantana waxaa muuqata ifafaallo ku saabsan in maqaamkaasi uu u soo laabanayo caasimadda.” Ayuu Yiri Eng Yariisoow

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Eritrea Mudane Cismaan Maxamed Saalax ayaa uga mahad celiyey Duqa Caasimadda soo dhaweynta sare ee ay u sameeyeen .

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho