Warbixin:- Baarlamanka Puntland oo ansixiyay lifaaqa doorashada 2019

Golaha wakiilada dowladda Puntland oo ku jira kal-fadhigooda 41 aad  ayaa maanta go’aan ka gaaray hannaanka ay u dhacayso doorashada madaxtinimada Puntland ee sannadka 2019.

Kulanka 24 aad ee kal-fadhiga(41) Baarlamanka Puntland oo uu guddoominayay,Axmed Cali Xaashi,guddomiyaha Golaha wakiilada Puntland,islamarkaana ay soo xaadireen 35 mudane ayaa looga dooday lifaaqa  saddexaad ee doorashada madaxtinimada Puntland oo dib u-habayn lagu sameeyay.

Lifaaqan ayaa qeexaya in doorashada madaxtinimada Puntland ay  ku dhacdo,hannaankii hore ee qabaa’ilku soo xulan jireen xubnaha Baarlamanka,kadibna ay madaxweynaha dooran jireen lixdan iyo lixda xildhibaan ee Golaha wakiilada Puntland.

Golaha ayaa ka hor inta aanay lifaaqa ka doodin warbixin ka dhegaystay guddiga doorashooyinka ku meel-gaarka ah ee Puntland(TPEC),waxaana guddiga warbixintooda ku caddeeyay in aysan xilligaan Puntland ka dhici Karin,doorasho qof iyo cod ah ,maadaama dhaqaale iyo wakhti ku filan aysan guddigu haysan,sida uu sheegay xog-hayaha TPEC,Liibaan Saalax Maxamuud oo warbixinta ka hor akhriyay  Baarlamanka.

Warbixinta guddiga kadib ayaa Goluhu  go’aamiyay in aan  xilligaan doorasho qof iyo cod Puntland laga qaban Karin,waxayna u codeeyeen lifaaqa saamaxaya in doorashada  madaxtinimada Puntland ay u dhacdo-hannaankii hore ee qabaliga ahaa.

Dhammaan xubnihii kulanka fadhiyay oo ahaa 35 mudane ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay lifaaqa,iyadoo aanay jirin cid diiday iyo cid ka aamustay midna,sida uu ku dhawaaqay guddomiyaha Golaha wakiilada Puntland,Axmed Cali Xaashi.

Go’aankan ay Baarlamanku qaateen ayaa meesha ka saaraya tuhunkii ay qabeen siyaasiyiinta u sharraxan xilka madaxweynaha Puntland oo ka cabsi qabay in dib u dhac ku yimaada wakhtiga saxda ah ee doorashada .

Baarlamanka cusub ee kan xiga ayaa fadhigooda ugu horreeya yeelan doona 31 Dec ee sannadkaan 2018,waxaana ay guddoomiyaha iyo ku xigeennadiisa dooran doonaan 4 Jennaayo ee sannadka 2019,halka doorashada madaxweynuhu  ay ku begantahay 8 Jennaayo ee 2019 oo ah xillgeeda.

Halkaan ka daawo muuqaalka

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar