BAARLAMAANKA PUNTLAND OO KU DHAWAAQAY WAQTIGA RASMIGA AH EE AY DHACAYSO DOORASHADA MADAXWEYNAHA PUNTLAND.

Kal-fadhiga 41-aad fadhigiisa 24 aad ayaa maantay looga dooday hanaanka doorashada Puntland 2019 iyagoona sidookale warbixin ka dhagaysta guddiga KM ah ee Doorashooyinka Puntland TPEG.

TPEG ayaa sheegay inay ku guul daraysteen inay doorasho qof cod ah ay ka hirgasho Puntland iyagoo u sababeeyey caqabado soo wajahay.

Baarlamaanka puntland ayaa dood dheer kadib go,aamiyey in doorashada Puntland ay dhacdo waqtigeeda oo ku beegan 8 janaayo 2019.

Waxaa kale oo baarlamaanku go,aamiyey in gugdiga doorashooyonka TPEG ay sii shaqeeyaan islamarkaana 2019 bisha 9aad ay qabtaan doorashootinka golayaasha deegaanka puntland.

Doorashada Puntland ayaa ku dhacaysa qaabkii ay ku dhici jirtay ee qabaa,ilka iyadoo odayaashu ay soo xuli doonaan Baarlamaankii badali lahaa kan hada jira.

Baarlamaanka cusub ayaa fadhigooda ugu horeeya yeelanaya 31 december 2018 waxaana ay 4 janaayo ay dooran doonaan gudoomiyaha iyo ku xigeenadiisa ugu danbayna 8 Janaayo ay dooran doonaan Madaxweynaha Puntland sida ku cad dastuurka Puntland.

PUNTLANDPOST.NET