Puntland: Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe oo la shaacinayo

Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowlada Puntland ayaa shaacisay,xilliga sida rasmiga ah loogu dhawaaqayo natiijada imtixaanka Shahaadiga ah Fasalka 8aad ee Dugsiyada dhexe.

Qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare Puntland Pro. Abshir Yuusuf Ciise ayaa lagu sheegay,in imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe si rasmi ah loo shaacin doono, maalinta isniinta ah ee ku beegan 13 bishaan August 2018.

Dhammaan Gudoomiyaasha Waxbarashada Gobolda iyo Degmooyinka iyo maamulayaasha, Macalimiinta sharafta leh, ardayda iyo waalidka iyo bulshawaynta soomaaliyeed ee ku nool deegaaanda Puntland, waxaan la socodsiinaynaa in Malinta isniinta ah in la shaacinayo Natiijadii imtixaanka Dugsiyada dhexe ee Fasalka 8aad ee Sanad Dugsiyeed 2017- 2018″ ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Kharashka ku baxay sannadkan, imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland ayaa waxaa iska kaashaday,dowladda iyo shacabka Puntland,waxaana laga maarmay kharashaadkii laga heli jiray hay’adaha deeqbixiyaasha ah,sida ay sheegtay wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan