Ciidamada Puntland oo Al-shabaab ka saaray buurta Habar-humbulo ee Calmadow

Ciidamada badda dowladda Puntland ee(PMPF) qeybtooda la-dagaallanka argagixisada ee sida gaarka ah u tababaran ee ku sugan Calmadow ayaa malayshiyaadka Al-shabaab ka saaray buurta Habar-humbulo iyo ceelka lagu magacaabo”Ceel unkud” oo hostaga buuraleeyda Calmadow.

Sarkaal sare oo ka tirsan cutubyada la-dagaallanka argagixisada ee ciidamada(PMPF) ayaa Puntland post khadka taleefonka ugu sheegay in malayshiyaadka Al-shabaab laga saaray saldhig weyn oo ay ku lahaayeen buurta Habar-humbulo ee degaanka Calmadow,islamarkaana laga qabsaday kaydii raashinka iyo sahay kale.

Kooxdii Al-shabaab ee buurta ku jiray ayaa halkaasi ka cararay,kadib markii ay ciidamadu weerar xooggan ku qaadeen,waxaana sarkaalkan sheegay in aysan wax iska caabin ah la kulmin.

Degaanka Al-shabaab laga saaray ee buurta Habar-humbulo ayaa waxaa ku yaalla ceelka”Ceel unkud” oo il-biyood muhiima u ahaa malayshiyaadka ka dagaallama buuraleeyda Calmadow,maadaama kooxdu ay go’doon ka yihiin dhinaca laamiga xiga.

Ciidamada dowladda Puntland ee PSF iyo PMPF ayaa maalmahan dambe sare u qaaday hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay ka fulinayaan buuraleeyda Calmadow ee gobolkaasi Bari.

PUNTLAND POST