Al-shabaab oo goob fagaare ah ku karbaashay laba qof oo shacab ah

Maxkamadda Al-shabaab ee gobolka Hiiraan ayaa shalay xukunno adag ku ridday laba qof oo shacab ah oo lagu eedeeyay in ay kufsi iyo dil geysteen.

Xaakimka maxkamadda Al-shabaab ee degmada Buq-aqable ee gobolka Hiiraan,ayaa shalay gelinkii dambe goob fagaare ah kaga dhawaaqay,xukunka labada nin oo midkood lagu eedeeyay in uu kufsi iyo dil isugu daray afar haween ah,halka kan kale lagu eedeeyay in uu kufsaday laba haween ah,balse uusan dil geysan.

Labada eedaysane oo aan magacyadooda la shaacin ayaa xaakinka maxkamadda Al-shabaab amray, in min boqol jeedal la karbaasho,waxaana islamarkiiba xukunka lagu fuliyay labada nin,iyadoo goob fagaare ah lagu karbaashay.

Eedaysanaha kowaad ee Al-shabaab ku eedaysay kufsiga iyo dilka ayaa sidoo kale lagu xukumay saddex sano oo xabsi ganaax ah,waxaana xaakimku sheegay in ninkaas ay cafiyeen eheladii uu dumarkooda laayey.

Inta badan degaannada Al-shabaab gacanta ku hayso ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa laga fuliyaa xukunno adag oo la marsiiyo dadka lagu eedeeyo denbiyada kala duwan.

Laakiin warbixinno ay soo saareen qaar kamid ah hay’adaha caalamiga ah ee xuquuqda insaanka ayaa lagu sheegay in Al-shabaab tacaddiyo baahsan ku hayaan dadka rayidka ah.

PUNTLAND POST