Dad Itoobiyaan ah oo lagu Laayay Jabuuti iyo Ganacsiyo ay lahaayeen oo la Bililiqeystay

Jabuuti (PP) ─ Warbaahinta dalka Itoobiya qaarkeed ayaa baahisay Sabtida maanta ah in lix qof oo kasoo jeeeda Qowmiyadda Oroma ee dalka Itooiya lagu dilay Magaalada Jabuuti ee xarunta Dalka Jabuuti.

Sidoo kale, Warbaahinta ayaa sheegay in la bililiqeystay dukaamo ay dadkan ku lahaayeen Jabuuti iyo weli ganacsiyo kale oo ay lahaayeen dad Itoobiya u dhashay, inkastoo aanay tiradooda sheegin.

Falkan ayaa dabaca socday 12-qof oo kasoo jeeda dalka Jabuuti oo dhawaan lagu dilay Magaalada Diri-dhabe ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, kaddib rashado halkaas ka dillaacay, kuwaasoo ay ku jireen hooyo iyo dhawr ilmood oo ay dhashay.

Dhanka kale, Sarkaal u hadlay booliiska Jabuuti ayaa sheegay inay xabsiga dhigeen tiro dad ah oo lagu tuhmayo inay falkan dilka iyo boobka ah ku lug lahaayeen, inkastoo tirada dadkan aan la sheegin.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii laba qof oo kasoo jeeda Qowmiyadda Oromada lagu dhaawacay gudaha dalka Jabuuti, kaddib caro ka dhalatay dad Jabuutiyaan ah oo lagu dilay magaalada Diri-dhabe.

Xiisadaha u dhexeeya Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada kuwada nool dalka Itoobiya oo soo billaabatay dhawr bilood ka hor ayaa waxay haatan u muuqataa mid ku fidaysa deegaannada ay Soomaalidu degto oo dhan.

Ugu dambeyn, Itoobiyaan u badan Qowmiyadda Oromada ayaa ku nool dalka Jabuuti iyo Somalia, gaar ahaan Somaliland iyo Puntland, kuwaasoo la sheegay inay lasoo daristay cabsi aad u xooggan tan iyo markii ay qarxeen colaadaha u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada.

PUNTLAND POST