Juxaa oo sheegay in ay isku-milmeen golayaashii dowladda Federaalka Soomaaliya

Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya,Cabdi Faarax Siciid(Juxaa) ayaa xalay hadal uu ka jeediyay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa si adag ugu dhaliilay siyaasadda xukuumadda haatan ka dhisan magaalada Muqdisho.

Mudane. Juxaa ayaa sheegay in siyaasadda dowladda Federaalka Soomaaliya ay xilligaan dheelliday,kadib markii ay isku-milmeen awoodihii saddexda gole ee dowladda(Garsoorka,Baarlaamanka & Xukuumadda),islamarkaana ay xukuumaddu af-duubtay dhammaan awoodihii dalka.

Dheelli baa ii muqda,dheelliga ii muqdaana waxa weeye isku-milan awoodeed,waxaa isku-milan awooddii xukuumadda,iyo tii Garsoorka iyo tii Baarlamanka. Waxaa adag hadda tiraahdid waxaa shiraya golihii wasiirada iyo golihii Baarlamanka,maadaama golaha wasiiradu uu intiisa badan hadda sii noqonayo gole Baarlamanka” ayuu yiri Juxaa.

Sigaasigan ayaa sheegay in isku-milanka golayaashaasi uu halis gelinayo, nidaamkii dowladnimo ee dalka,sidoo kalena meesha ka saarayo isla-xisaabtankii iyo tala-wadaagii golayaasha kala duwan ee dowladda Soomaaliya oo sida uu hadalka u dhigay ay xukuumaddu maroorsatay.

“taasi waxay khatar ku tahay, in dooodi dhacdo oo dood isu miisaaman dhacdo, oo aan qolo la saqlayn talada,waxayna khatar ku tahay dowladnimadii Soomaaliyeed ee tala wadaaga ahayd ee la dhiraan-dhirinayey” ayuu raaciyay Cabdi Faarax Juxaa.

Siyaasigan ayaa xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay fara-gelin ku hayso dowlad goboleedyada dalka,isagoo sheegay in ay ridday madaxweynayaal maamul goboleed,kuwa kalena ay hadda isku-dayeyso in ay xilka ka tuurto.

Juxaa wuxuu xukuumadda Xamar ka dhisan uga digay in ay soo fara-geliso doorashada madaxtinimada dowladda Puntland ee sannadka 2019 “Puntland doorashay gelaysaaa,doorashada ay gelaysa wa arrin iyada gaar u ah,waa arrin taabanaysa masiirkooda,rabitankooda iyo mustaqbalkooda,waxaan dowladda Federaalka ah iyo cid kasta oo keliba ka codsanaynaa ugana digaynaa in aysan arrintaa faraha la soo gelin” ayuu yiri Juxaa.

Dhinaca kale wuxuu si kulul u dhaliilay siyaasadda arrimaha debadda xukuumadda Soomaaliya oo ku tilmaamay mid”qarda-jeex ah“wuxuuna ku eedeeyay in ay xasaradaha caalamka dhex yaacayso arrimo aan loo dirsan af-hayeen ka noqotay,islamarkaana aan xukuumadda Xamar lagu aamini karin siyaasadda arrimaha debadda ee dalka.

PUNTLAND POST