Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia oo shaqada laga joojiyay

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre ayaa shaqadii ka joojiyay wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia, Mukhtaar Mahad Daa’uud, kaddib markii lagu eedeeyay inuu ku kacay musuqmaasuq.

Dhawaan ayay ahayd markii amar lagu bixiyay in lasoo xiro wasiir ku xigeenka balse ay xiisad ka dhalatay, taasoo goor-dambe la xalliyay, waxaana wasaaraddu ay sheegtay inuusan ku dhicin wasiir ku xigeenku eedaha loosoo jeediyay.

Wareegtada shaqada looga joojiyay wasiir ku xigeenka ayaa lagu xusay in sababta shaqada looga joojiyay ay tahay inuu ku kacay falal musuq-maasuq ah, uuna socdo baaritaan lagu xaqiijinayo.

Hanti-dhawraha guud ee Qaranka ayaa horraantii sannadkan wuxuu dacwad la xiriira musuqmaasuq uu sheegay inuu wasiirku xigeenku ku kacay u gudbiyay xeer-ilaalinta guud ee Qaranka.

Ugu dambeyn, Ma jiro hadal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo wasiir ku xigeenka laftiisa oo ku aaddan shaqo-joojinta maanta lagu sameeyay, iyadoo tani ay qayb ka tahay sida ay xukuumaddu sheegtay in lagu xadido musuqmaasuqa.

PUNTLAND POST