Qaraxyo is-xiga oo ciidamada AMISOM lagu eegtay Xaafad ka tirsan Degmada Huriwaa

Muqdisho (PP) ─ Ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM ayaa qaraxyo lagula eegtay goor-dhaw isgoyska SOS ee degmada Huriwaa, iyadoo Qaraxyada kaddib la sheegay in ciidamadu ay fureen rasaas xoog badan.

Qaraxyadan oo aan la ogeyn inay ahaayeen kuwo dhulka lagu aasay iyo kuwo si toos ah loola beegsaday, ayaa yimid xilli ay kolonyo gaadiid ah oo ay ciidamadu wateen ay marayeen isgoyskaas oo aad u mashquul badan.

Illaa hadda lama oga khasaaraha ay geysteen qaraxyadaas, balse ciidammo badan oo AMISOM ka tirsan ayaa la sheegay inay waddada hareeraheeda isku fidiyeen, iyagoo dhinacyada u ridaya rasaas fara badan.

Goobjoogayaal ku sugna halka uu qaraxu ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay inay maqleen saddex qarax oo culus, xilli ay ciidamada AMISOM halkaas marayeen, dhammaan ganacsigiina uu xirnay.

“Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jira xaafadaha ku dhaw isgoyska SOS, mana la garanayo khasaaraha ay qaraxyada iyo rasaasta xigtay sababeen,” ayuu mid ka mid ah dadkii goobtaas ku sugnaa markii ay Qaraxyadu dhacayeen.

Degmada Huriwaa ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka ay Qaraxyadu ka dhacaan inta badan, waxaana qaraxyadan intooda badan lala beegsadaa ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Ma jiro hadal kasoo baxay AMISOM, balse Qarxyada ayaa intooda badan waxaa la sheegaa inay geysteen xoogag ka tirsan Ururka Al-sabaab oo dagaal kula jira Dowladda iyo AMISOM.

Wixii warar ah ee kasoo kordha qaraxyadan waxaad kula socon doontaa wararka soo socda ee Puntland Post haddii ALLE idmo.

PUNTLAND POST