Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo sheegtay in 11% uu is dhimay dakhliga Dowladda

Wasiirka wasaarada Maaliyadda Puntland Cabdulaahi Siciid Carshe Dhaqaaje oo baarlamaanka Puntland ka hor akhriyey Xisaab xirka Miisaaniyadda Puntland ee 2017 ayaa sheegay in uu jiro isdhin dakhli oo dhan 11%, oo ku tilmaamay inay daruufo keeneen.

Wasiirka Dhaqaaje ayaa xusay in isdhinka dakhliga Puntland ku yimid ay ka mid tahay Ganacsatadda iyo Hay’addaha sharrci fulinta oo aanan lahayn wax aqoon ah, helina tobobaro ku filan.

Wuxuu kaloo sheegay in isndhin-ka Dakhli ee puntland ay ka mid tahay, Gadiidkii badda oo sidii hore ee u imaan jiray u imaan, Abaarihii dalka saameeyay iyo xayaraadihii ay xoolaha saareen Dalalka, Sucuudiga, Imaaraadka iyo Cumaan.

Warka Wasiirka Maaliyadda Puntland wuxuu imaanaya iyadoo Bilihii u danbeeyay Madaxda sare ee Wasaaraddaasi iyo Xafiisyadda Gobaladda ay hareeyen Eedeymo Masuq-maasuq oo ilaa iyo hadda aanan lagu samayn baritaano iyo isla xisaabtan toona.

Halkaan ka dhegeyso Codka.

Puntlandpost.net