Faah Faahin: Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Faah Faahin Dheeraad ah ayaa ka soo baxeeyso qarax qasaare geeystay oo ka dhacay Caawa ka dhacay Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa waxaana la la eegtay Goob dad badan ay ku sugnaayeen.

Maqalka qaraxa iyo qasaaraha ka dhashay qaraxaasi ayaa aad u kala duwanaa  iyada oo Jugta qaraxa laga maqlay Guud ahaan Muayaa aad u yar marka loo fiiriyo dadka Goobta ku sugnaa.

inta la xaqiijiyay ilaa 4 qof ayaa dhimatay ku dhowaad 10 kalena waa ay dhaawacmeen sida ay sheegeen dad lagu kalsoonaan karo.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay Maqaaxida loo yaqaano Somali Coffee oo ku taala Agaagarka Isgooyska Shaqaalaha wadda Mashquulka badan ee Makka Al-Mukarama ee Muqdisho.

Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa goobta soo gaaray kuwaasi oo qiimeeynayay qasaaraha ka dhashay Goobtaasi qaraxa ka dhacay.

 

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho