Madaxweyne Waare oo Ka Hadlay khilaafka Soomaaliya iyo jabuuti

Madaxweynaha Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka haatan u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti.

Waare oo la hadlay idaacadda VOA-da ayaa sheegay In uu aad kaga xun yahay khilaafka haatan u dhaxeeya Dowladaha Walaalaha ah ,islamarkaana uu ku baaqayo in si deg deg ah loo xaliyo.

Madaxweynaha hir-shabeelle ayaa Dowladda  Jabuuti iyo shacabkeeda ku amaanay sida ay u garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna sheegay in aysan marnaba ilaawi doono abaalka ay u galeen.

”Xaqiiqdii sigaar ah ayay noo taabaneysaa cabashada walaalaheena reer Jabuuti oo dhiigeena inoo huray oo noo guday abaalkii aan u galnay xilligii xurnimadii,waxaana rajo ka qabaa in wax walba oo jira sihoose loo xalin doono laakin mar walba ma ahan kuwo naga go’aayo Jabuuti ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Dowladda jabuuti ayaa si weyn kaga carootay hadalkii madaxweynaha Soomaaliya maxamed C/laahi maxamed (Farmaajo), ee ku aadanaa In cunaqabateynta hubka laga qaado dalka Eretria.

PUNTLAND POST