Wasiirada iyo xildhibaanada kasoo jeeda Puntland ee DFS oo shir gaara laleh xukuumada madaxweyne Gaas

Wasiirada iyo xildhibaanada kasoo jeedda Puntland ee Dawlada Federaalka intooda ku sugan magaalada Garowe ayaa shir albaaabadu u xiran yihiin laleh golaha wasiirada Puntland oo uu shir gudoominaayo madaxweyne Cabdiwali Gaas.

Kulankan gaarka kuma sugna xubnaha Dawlada Federaalka ee aan kasoo jeedin Puntland oo uu kamid yahay Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre.

Shirkan oo ay saxaafadu dibad joog ka tahay ayaa hor dhac u ah shirar guud oo ay yeelanayaan illaa maanta xubnaha wasiirada iyo xildhibaanada isugu jira ee Dawlada Federaalka iyo xukuumadda Puntland kuwaas oo xooga lagu saaraayo xalinta mad-madowga soo dhex galay labadda dhinac.

Isla Garowe waxaa maanta lagu wadaa inuu ka dhaco shirkii khamiislaha ahaa ee golaha wasiiradda Dawlada Federaalka ee Soomaaliya.

Waa markii ugu horaysay taariikhda oo magaalada Garowe iyo guud ahaan degaanada Puntland lagu qabanaayo shirka golaha wasiiradda xukuumada Federaalka ee Soomaaliya.

PUNTLAND POST