Warbixin:- Maxaa ka soo baxay shirarkii maanta lagu qabtay Garoowe?

Laba shir oo isku xigay ayaa galabta iyo caawo ku soo xirmay xarunta wasaaradda Maaliyadda dowladda Puntland ee magaalada Garoowe.

Shirka koowaad oo u dhexeeyay Golaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha xukuumadda Puntland ayaa looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac,iyadoo maalin ka hor uu soo ifbaxay khilaaf ka dhex qarxay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Xassan Cali Kheyre iyo madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas).

Khilaafka ayaa la sheegay in uu yimid kadib markii ra’iisul wasaare Kheyre uu ka baaqsaday,dhagax-dhiga deked cusub oo laga hirgelinayo degaanka Garacad ee gobolka Mudug,taasoo ka caraysiisay madaxweyne Gaas,sida ay xaqiijiyeen saraakiil ku sugan madaxtooyada Garoowe. Khilaafkaas ayaa sidoo kale sababay in dib loo dhigo musaasabadda xuska 1-da August oo ku beegan as’aaskii Puntland.

Khilaafka labada mas’uul ayaa la sheegay in xataa uu saameeyay hay’adaha heer Federaal iyo heer Puntland,waxaana xalay soo baxay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo ku saabsan in shirkii Golaha wasiirada Soomaaliya ee Garoowe lagu qaban lahaa uu khilaafkaas u baaqday,balse dadaal badan oo la sameeyay markii dambe shirku waa qabsoomay.

Haddaba si loo xalliyo khilaafkaas ayaa galabta waxaa shir wadajir ah yeeshay Golaha xukuumadda heer Federaal iyo heer Puntland,waxaana kulanka oo uu shir-guddoomiyay ra’iisul wasaare Kheyre lagu xalliyay murankii taagnaa,sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin goob-joog aha shirka labada dhinac.

Wararku waxay intaas ku darayaan in madaxweyne Gaas uu ra’iisul wasaaraha oo jimcaha bixi’lahaa uu ka dalbaday in uu kala qeyb galo xuska as’aaskii Puntland ee 1-da August xalay dib loo dhigay,islamarkaana habeen dambe 3 bisha la qaban doono.

Shirka lagu xalliyay khilaafka heer Federaal iyo heer Puntland markii uu dhammaaday ayaa waxa sidoo kale bilowday shirkii khamiislaha Golaha wasiirada Soomaaliya oo lagu qabtay isla hoolkii shirkii hore ka dhacay,inkastoo uu gaar u ahaa wasiirada Federaalka Soomaaliya.

Markii shirkaasi soo xirmay ayaa waxaa saxaafadda uga warbixiyay Wasiirka warfaafinta Soomaaliya,Daahir Maxamuud Geelle. Wasiir Geelle ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay shirka ka cambaaraysay qaraxii xalay mas’uuliyiinta lagu dilay ee Buuhoodle ka dhacay iyo dil la sheegay in saaka Muqdisho loogu geystay nin ganacsade ah.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in sidoo kale shirka looga hadlay tacaddiyo ka dhacay gobolka Gedo oo ay geysteen dad ka yimid dhinaca dalka Kenya,waxaana sida wasiirku sheegay ra’iisul wasaruhu amray guddi baaritaan ku sameeya tacaddiyadaas. Guddiga waxaa madax looga dhigay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamuud Guuleed(Khadar).

Shirka Golaha wasiirada Federaalka waxaa kale oo lagu meel-mariyay barnaamij lagu magacaabay is-xilqaan oo dadweynuhu ay wakhtigooda qayb kamid ah ku bixinayaan arrimaha danta guud,sida uu sheegay Wasiir Geelle.

Shirka waxaa sidoo kale laga shaaciyay in lacag cusub oo dalku yeelanayo dhowaan la soo daabacayo,loona qeybin doono dhammaan gobolada iyo degmooyinka dalka,sida uu Mr.Geelle ku warbixiyay.

Colaadda u dhexaysa Puntland iyo Somaliland ee ka aloosan degaanka Tukaraq ayaa iyana lagu soo qaaday shirka Golaha xukuumadda Soomaaliya,waxaana goluhu ku baaqay in la joojiyo colaadda Tukaraq oo xukuumadda Soomaaliya ku tilmaantay mid liddi’ ku ah xasiloonida guud ahaan dalka Soomaaliya iyo geeska Afrika.

“Runtii, dowladda Soomaaliya waxay u aragtaa arrinkaan in uu oposite ku yahay,la jaan-qaadka dadka Soomaaliyeed iyo dowladda Soomaaliyeed la rabo in ay la jaan-qaadan dabaysha nabadda ee geeska Afrika iyo bariga Afrika ka dillaacday” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo ka warbixinayay shirka.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in iyada oo kaashanaysa beesha Caalamka ay diyaar u taahy wax ka qabashada  dhibaatada ayb reebeen dagaalladii ka dhacay Tukaraq oo ay ku jiraan dadkii ku dhaawacmay iyo hantidii ku burburtay colaaddaas,sida lagu sheegay qodobada uu wasiirku akhriyay ee ka soo baxay shirka Wasiirada Soomaaliya.

Ugu dambeyntii,maxaabiista ku eedaysan burcad-badeedda oo laga soo wareejiyay dalalka debadda ee ku xiran xabsiyada Puntland,islamarkaana arrintooda looga wada-hadlay shirkii wadajirka ahaa ee Puntland iyo federaalka ayaa shirka dambe ee Golaha xukuuamadda Soomaaliya,ra’iisul wasaaruhu amar ku bixiyay in la sii daayo,iyadoo loo marayo habkii loo maray maxaabiisti ku xirnaa dalalka caalamka ee dowladdu ka soo daysay.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar