Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya oo soo xirmay

Shirka Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliyaa ayaa hadda ku soo xirmay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee magaalada Garowe.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya,Daahir Maxamuud Geelle oo ka warbixiyay shirka ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ay cambaaraysay falkii argagixiso ee ka dhacay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.

Sidoo kale Wasiirku wuxuu sheegay in Ra’iisul wasaare,Xassan Cali Khayre uu amray in sharciga la mariyo maxaabiista ku eedayaysan burcad-badeednimada ee ku jira xabsiyada Puntland.

Dhinaca kale wasiirka Warfaafinta Soomaaliya wuxuu ka hadlay colaadda ka taagan degaanka Tukaraq,isagoo sheegay in dagaallada halkaasi ka dhacay ay dhibaato weyn ku yihiin xasiloonadi iyo nabadda guud ahaan dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay labada maamul u usoo jeedaysay in dagaalka si dhakhso ah loo joojiiyo,islamarkaana wax laga qabto dhibaatada ka dhalatay oo uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay kaalinteeda ka qaadanayso.

PUNTLAND POST