Shirarka Golaha wasiirada Federaalka iyo Puntland oo ka dhacaaya Garowe

Waxaa magaalada Garowe ee caasimada Dawlada Puntland goor dhow ka furmi doona shir labba geesooda oo ay yeelan doonaan gollaha wasiirada Dawlada Federaalka ee Soomaaliya iyo golaha wasiirada Puntland.

Shirkan oo ka qabsoomi doona hoolka shirarka ee wasaaradda maaliyada Puntland ayaan si dhaba loo ogayn waxa ay kawada hadli doonaan labadda dhinac, hase ahaate waxaa la filayaa inay ka doodi doonaan xiriirka iyo wada shaqaynta Dawlada dhexe ee Soomaaliya iyo Dawlada Puntland.

Marka uu shirkaasi soo idlaaddo isla Garowe waxaa ka qabsoomi doona shirka khamiislaha ee gollaha wasiirada Dawlada Federaalka Soomaaliya oo shirkaas kaga hadli doona shaqooyinkoodii caadiga ahaa ee ay kaga doodi jireen shirarka khamiislaha ee ay todobaad walba yeeshaan.

Shirarkan ayaa kusoo aadaaya kadib khilaaf meel sare gaaray oo soo kala dhex galay Dawlada Federaalka iyo Puntland kadib markii raisul wasaare Xassan Cali Khayre uu ka gaab-saaday inuu qayb ka noqdo dhagax dhiga dekadda degaanka Garacad, wuxuuna khilaafkaasi sababi gaaray inuu maanta baaqdo shirarkan qorshaysnaa.

PUNTLAND POST