Qarax ka dhacay Buuhoodle

Wararka haatan ka imaanaya magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax gaari oo khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay.

Goobjoogayaal ku sugan bartamaha magaalada Buuhoodle ayaa Warbaahinta PUNTLAND POST u sheegay in qarax uu ka dhacay meel u dhow masaajid wax yar kadib salaaddii maqrib ee caawo.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxay khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay,waxaana jira warar sheegay in uu qaraxa uu ku dhintay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Khaatuumo,Axmed Maxamuud Doolaale.

Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in qof kale qaraxa ku dhintay,halka ilaa afar ruuxna ay ku dhaawacmeen.

Faahfaahinta kala soco:PUNTLAND POST